SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO LAGU DILAY SEDDEX MADAW AH.

(SAWIRKA)BOOLISKA JACKSONVILLE EE GOBOLKA FLORIDA DALKA MARAYKANKA.

(JACKSONVILLE-FLORIDA)-Seddex qofood ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gudaha dukaanka laga suuqeysto ee DOLLAR GENERAL ee dalka Maraykanka maanta oo Sabti ah,sidaas waxaa sheegay maamulka Gobolka Florida ee dalkaasi Maraykanka. Seddexda qofood ee la dilay ayaa ah dad Madaw ah qofka gaystay dilka ayaa la sheegay inuu yahay mid ey ku beeran tahay Fikirka Nacaybka dadka madaw,sidaas waxaa qoraal uu soo saaray ku sheegay taliyaha booliska Jacksonville T.W.Waters,taliye Waters ayaa yiri”Waa mid iska cad in toogashadaan tahay mideey u sabab tahay nacaybka dadka Madaw”. Ninka gaystay toogashada ayaa ku hubaysnaay qorig AR-15 iyo Bastoolad waxa uuna xirnaay jaakeet marka uu dilaayey laba nin iyo hal dumara ka hor inta uusan isaga is dilin,sidaas waxaa laga soo xigtay taliye Waters mana jirto cid ku dhaawacantay toogajsada dhacday.

ISHA/ABC.

HALKAN KA SI AKHRISO.