Maraykanka oo kordhiyey…
Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay maanta oo Arbaca ah in la korhdiyey lacagtii loo balan qaaday qofkii keeno war ku saabsan hogaamiyaha cusub ee Daacish ninka lagu magacaabo Amiir Maxamed C/raxmaan Al-Mawli waxaane lacagtaas oo horay u ahayd $ 5-Milyan ayaa hadda la gaarsiiyey $ 10-Milyan. Hogamiyahaan ayaa ku dhashay magaaladda Muusal ee dalka Ciraaq sannadkii 1976-dii waxa uuna bartay shareecadda islaamka waane hogaamkye aan ahayn Carab balse ka soo jeedo qoys Turkmen,eedaynaha loo haysto hogaamiyahaan ayaa ah dil wadareedyo uu ku sameeyey dadka laga tiradda badan yahay ee loo yaqaano Yazid.