MARAYKANKA OO IS HORTAAGAY FALASTIIN.
(SAWIRKA)-XARUNTA QM.
(UN)-Wararka ka imanaayo Xarunta Qaramadda Midoobe ee New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in dalka Maraykanka uu shalay oo Khamiis ahayd uu codka Diidmada Qayaxan ee VETO uu u isticmaalay Qaraar ey soo diyaarisay Qaramada Midoobe kaaso jidka u xaarayey in Dawladda Falastiin ey Xubin buuxdo ka noqoto. Qaraarkan oo la horgeeyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe waxaane Qaraarkan taageeray laba iyo toban xubnood waxaane ka aamusay laba xubnood halka Maraykanka uu ka soo horjeestay. Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay iney cunaqabateyn cusub ku soo rogeen dalka Iraan ka dib markii uu weeraray Isra’iil todobaadkii inagab tegay. Talaabadaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxda Midawga Yurub oo ku shirsan caasimadda dalka Biljamka ee Brussels ey wacad ku mareen iney kordhinayaan cunaqabateynta ey saarayaan dalka Iraan iyagoo bartilmaameedsanaayo nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gentaaladda ey geeyaan dhulalka ey ka hawlgalaan Ururadda gacansaarka la leh dalka Iraan sida Ururka Xizbullahi, kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman iyo Ururka Xamaas ee reer Falastiin. Cunaqabateynta dalka Maraykanka ayaa bartilmaameedsaneysa shaqsiyaadka iyo shirkadaha soo saara Mishiinadda ey isticmaalaan diyaradaha yaryar iyo waliba dhinacyada soo saara biraha loo adeegsado.
ISHA/VOA.