SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO GARGAAR LACAGEED SIINAAYO ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-MIKE JOHNSON.

(WASHINGTON)-Aqalka Wakiiladda ee dalka Maraykanka waxa uu todobaadka soo socdo u codeyn doonaa $17.6-Bilyan oo cusub oo gargaar ah oo la siinaayo dalka Isra’iil gargaarkaaso laga reebay dhimistii ey ku sameyn jirtay hayadda Cansguuraha dalka Maraykanka ee IRS-ta,sidaas waxaa maanta oo Sabti ah sheegay afhayeenka Golaha Wakiiladda Maraykanka Mike Johnson kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga(R) lagana soo doorto Gobolka Louisiana. Ku dhawaaqidda gargaarka la siinaayo Isra’iil ayaa timid iyadoo Senitardu gorgortan isugu diyaarinayaan iney soo saaraan heshiis ku saabsan xirmo dhammaystiran oo lagu maalgeliyo Isra’iil,Ukrayn,Taiwan, Indo Pacific iyo Amniga Xuduudaha ey horay ugu dhawaaqeen Senitarada ka socdo Xisbiga Jamhuuriga. Hindisa sharciyeedka ee Aqalka ayaa waxaa ka mid ah $3.3-bilyan oo doolar oo lagu taageerayo hawlagaladda ciidamadda Maraykanka ee Gobolka Bariga dhexe,iyadoo ey sii socoto colaad Gobolka ayaa caadis ku saari karto iney ka tanaasulaan heshiiska.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.