SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO BAARAYO QAABKII LOOGA BAXAY AFG.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA MARAYKANKA EE DALKA AFGAANISTAAN.

(WASHINGTON)-Kooxda ku meel gaarka ah ee Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa lagu soo waramayaa iney ururinayaan liiska saraakiisha sar sare ee hore iyo hadda jooga dalka Maraykanka ee sida tooska ah ugu lug lahaa “Ixtiraam la’aanta”ka bixitaanka dalka Afgaanistaan si ey u go’aamiyaan iney wajihi karaan Maxkamada Ciidamadda. Kooxda Madaxweyne Trump ayaa sahminaysa suurtagalnimada in la sameeyo gudi baara ka bixitaanka Afgaanistaan sannadkii 2021-kii,sidaas waxaa maanta oo Axad ah soo weriyey TV-ga Maraykanka ee NBC News. Dadaalkana ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo aqoonsan lahaa kuwa sida tooska ah ugu lug lahaa geedo socodka go’aan gaarista,in la baaro sida loo fuliyey ka bixitaanka Ciidamada Maraykanka ee dalka Afgaanistaan iyo in la go’aamiyo in hogaamiyeyaasha Mileteriga ey suurtagal tahay iney wajahi karaan eedeymo ey ka mid yihiin Khiyaano Qaran ayuu yiri sarkaal Maraykan ah iyo ilo xog-ogaal ah ey soo xigatay Idaacadda NBC News. “Waxay u qaadanayaan si dhab ah”sidaas waxaa Idaacadda NBC News u sheegay qof aqoon u leh qorshaha socdo,isagoo intaas raaciyey in Matt Flyn oo ah Ku-Xigeenkii hore ee kaaliyaha Xoghayaha Difaaca ee ka hortaga Maandooriyaha iyo Khatarta Caalamiga ah uu gacan ka geysanaayo hogaaminta dadaalka. Joogitaan Maraykanka ee dalka Afgaanistaan oo soo bilawday Oktoobar 2001-dii ayaa soo afjarmay labaatan sano ka dib markii Ciidamadda Maraykanka ey isaga bexeen dalka Afgaanistaan sannakii 2021-kii. Sharci dejiyeyaasha Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsan Madaxweynaha la Doortay ee Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa maamulka Madaxweyne Biden ku eedeeyey ka bixitaan Ciidamadda Maraykanka ee dalka Afgaanistaan inuu yahay mid “Guuldareystay” iyo Qaska ka taagan Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Afgaanistaan ee Kaabuul.

ISHA-AA.