SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAAKIIBTA MIDAWGA YURUB OO SOO FURTAY..

(SAWIRKA)-DOONTA LA SO FURTAY.

(LONDON)-EUNAVFOR ATALANTA ayaa xaqiijisay sii daynta Doonta “AL NAJMA”, oo ahayd doon kalluumeysig lagana leeyahay dalka Yemen waxaane lagu afduubtay degmada Eyl ee Gobolka Bari ee Xeebaha Waqooyi ee Puntland (Soomaaliya). 8dii bishan Febraayo, EUNAVFOR ATALANTA waxaa lagu wargeliyay weerar looga shakisan yahay burcadbadeedd oo lagu qaaday doon uu ka babanaayo calanka Yemen Xeebta degmada Eyl. Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay inay ahayd dhac hubeeysan oo BADDA ka dhacay. Ciidamada badda iyo kuwa cirka ee EUNAVFOR ATALANTA ayaa la soo dhoobay deegaanka, iyagoo baaritaan xooggan sameeyay, waxaana lagu guuleystay in la helo doonnida, iyadoo la sii daayay markii ay ku sii jeeday meel aad ugu dhow xeebaha Soomaaliya. Joogitaanka deg-dega ah ee ciidamada ATALANTA ee aaggaas, gaar ahaan diyaaradda helicopter-ka, ayaa go’aan ku gaaray xoraynta Doonta kalluumaysiga. Ciidamada ayaa la sheegay in ey u tageen sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka, isla markaana ey hubin lahaayeen xaaladda shaqaalaha. Lama sheegin wax dhaawac ah, waxaana bad qaba 12-kii shaqaalaha ahaa. Kooxda ATALANTA Madaxdeeda ayaa ku dhaqaaqay inay ururiyaan dhammaan cadaymaha suurtagalka ah ee dhacdadan, oo ay wali ku socoto baarista. Sidoo kale, doonida kalluumeysiga ayaa waxaa hagaajinteeda gacan ka geysatay EUNAVFOR ATALANTA ka dib markii ey cilad ku timid matoorka doonta. Shaqaalihii la socday Doonta ayaa xaqiijiyay in burcad badeedda lagu eedeeyay in ey ka tageen Doonta ka dib markii ey xadeen alaabo shaqsi ah iyo qalab ey lahayd doonta. Intii shilka dhacay oo dhan, waxaa xiriir iyo isku dubarid lala sameeyay la-hawlgalayaasha Ammaanka badda ee Aagga Howlgallada. Xog is dhaafsi muhiim ah ayaa lala wadaagay ciidamada Soomaaliya, Ilaalada Xeebaha Yemen iyo ciidamada isku dhafka ah ee badaha (CMF), gaar ahaan diyaaradaha sahaminta badaha ee Japan. EUNAVFOR ATALANTA waxa ay weli ka feejigan tahay dhacdo kasta oo la xiriira Burcad-badeednimada oo ka dhacda Aagga ey ka hawl-gasho si loo sugo Ammaanka badda. Hawlgalka ATALANTA wuxuu si adag ugu talinayaa Ganacsatada iyo Maraakiibta kale ee nugul inay iska diwaan geliyaan Xarunta Badbaadada Badweynta Hindiya (MSCIO) ee Qorshaha Diiwaangelinta Iskaa wax u qabso ah (VRS), si ey u bixiyaan kormeerka iyo jawaabta ugu waxtarka badan ee ciidamada ATALANTA iyo la-hawlgalayaashooda si looga hortago khataraha Amniga badda. Macluumaadka iyo talooyinka khubarada EUNAVFOR ATALANTA ayaa diyaar ah waxaana si joogto ah loogu cusboonaysiiyaa Mareegaha MSCIO ( www.mscio.eu ).

ISHA-EU.