SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MALEESHIYAADKA ALSHABAAB OO LAGU LAAYEY…

(SAWIRKA DAGAALYAHANADA ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in ku dhawaad ilaa afartan maleeshiyo kana wada tirsan kooxda Ashabaab lagu dilay hawlgal ka dhacay laba degaan oo hoos yimaado degmada Afgooye ee G/shabeeladda Hoose maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,degaanadda ayaa lagu kala magacaabaa Baqdaad iyo Baldooska,hawlgalkaan ayey DFS sheegtay iney iska kaashadeen saaxibadda caalmka ee Soomaaliya ka kaalmeeyo la dagaalanka kooxda Alshabaab. Saaxibadda caalamka ayaa kaalmada ey siiyaan ciidamadda DFS ey ka mid yihiin duqeymo dhinaca cirka ah oo loo gaysto maleeshiyaadka Alshabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawgalka ka dhacay degaanka Baqdaad uu ahaay Duqeyn. War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DFS ayaa lagu sheegay in hawlgalkaan uu ka dambeeyey ka dib markii ey ciidamadda ka war heleen in maleeshiyaadka Alshabaab ey isku urursanayaan degaanadaas sida lagu xusay War-saxaafadeedka DFS. Dawladda DFS ayaa sheegtay in Baldooska lagu dilay 24-dagaalyahan kana tirsan maleeshiyaadka Alshabaab halkakan ka dhacay Baqdaad lagu dilay 15-dagaalyahan kana tirsanaay maleeshiyaadka Alshabaab. Dhinaca kale,kooxda Alshabaab ayaa ku sheegay barahooda Telegaraamka in duqeynta ka dhacday Baqdaad ey ku dhinteen dad rayid ah eyna ku jiraan Caruur,warbaahinta taageerto Alshabaab ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacda Baqdaad ey ku dhinteen 18-qofood oo rayid ah . Wixii ku soo kordha la socda.

ISHA/VOA.