MALAYSIYA OO QABATAY SHABAKAD SIRDOON.
KUALA LUMPUR.
(MALAYSIA)-Maalintii shalay oo Isniin ahayd warbaahinta caalamka ayaa waxa eey ka hadashay sida dalka Malaysiya u kala furfuray shabakad sirdoon oo u adeegayso sirdoonka Israel ee MOSSAD taaso ka kooban kow iyo toban qofood. Warbaahinta Malaysiya ayaa sheegtay in unug sirdoonka dibadda ee MOSSAD uu afduubtay khabiir reer Falastiin ah kuna takhasusay Teknooloojiyada Macluumaadka(IT) kana yimid marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,waxaane khabiirkaan lagu afduubay gudaha caasimadda dalka Malaysiya ee Kuala Lumpur bishii Sebtembar-28-deedii.
ISHA WARKA MEMO.