SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAGACAABISTA REYSAL WASAARE KU XIGEEN 2-AAD OO FASHILANTAY.

(SAWIRKA)-PROF.SAALIM CALIYAW IBRAW.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Golaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caawa isugu yimid kulan deg deg ah kaaso aan horay loo sii shaacin,ujeedada kulanka caawa ayaa ahaay in Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu caawa magacaabo Reysal Wasaare Ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,xilkaan ayaa wararku sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka sheekh Aden Madoobe ey ka balan qaadeen Xildhibaanadda Digil iyo Mirifle waqtigii ey socotay dooda wax ka bedelka Dastuurka Afartiisa Cutub ee ugu horeeyso ee la meel mariyey kal fadhigii 4-aad, Sida wararku ina soo gaaraayo ey sheegayaan arrinka magacaabidd Reysal Wasaare ku xigeen labaad ayaa waxaa biya diiday Xildhibaanadda ka soo jeedo Goboladda Waqooyiga Soomaaliya kuwaaso hadda haysta Xilka Reysal Wasaare ku xigeenka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,waxaane halkaasi ka dhashay in arrinkii magacaabidda Reysal Wasaare ku xigeenka 2-aad in dib loo dhigo loona daayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo la taliyeyaashiisa,kuwaaso berri oo sabti ah la balansan dhammaan Xildhibaanadda ka soo jeedo Goboladda Waqooyi Soomaaliya. Dhinaca kale,Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed kana mid ah Xildhibaanadda ka soo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook-ga saacado ka hor soo dhigay qoraal u muuqdo in Wasiiradda Digil iyo Mirifle ku metelo XFS ey Xildhibaanadda KGS ka diideen iney la fariistaan kalana hadlaan arrimaha taagan,Qoraalka Xildhibaan Mukhtaar ayaa qoranaa Sidan”Wasiiradda Digil iyo Mirifle ku metela Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ma awoodaan iney kulamo Siyaasadeed la qaataan Xildhibaanadooda iyo Senitaradooda ku jira labada Aqal ee BJFS si looga wada xaajoodo sida kuwa Waqooyiga ee caawa shiraya oo xitaa uu RW-ku xigeenkoodii(Saalax Jaamac) iyo Gudoomiye ku xigeenkoodii Golaha shacabka (Abshiraw) ey dhex fadhiyaan iyagoo aan gorgortan kaga jirin metelaad dawladda Federaalka. Sida uu ogaadau bogga Suuqbacaad Media xilka Reysal Wasaare ku xigeenka labaad ayaa loo rabaa inuu noqdo Xildhibaan Saalim Caliyaw Ibraw,kaaso xilal kala duwan dalka ka soo qabtay sida: (1)-Reysal Wasaare ku xigeen ahne Wasiirka Garsoorka. (2)-Reysal Wasaare ku xigeen ahne Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare. (3)-Reysal Wasaare ku xigeen ahne Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda. (4)-Reysal Wasaare ku xigeen ahne Wasiirka Lacagta. (5)-Reysal Wasaare ku xigeen ahne Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa.

ISHA/SB-MEDIA.