SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAGAALADDA NEW YORK OO LAGU QABTAY…..

SAWIRKA DAROOGADII LA QABTAY.

(NEW YORK)-Sarkaal ka shaqeynaayey waaxda socdaalka dalka Maraykanka kana hawlgala garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kennedy ee magaaladda New York ayaa gacanta ku dhigay daroogada KOOKAAYIINTA taaso qiimaheeda lagu sheegay inuu dhan yahay afar boqol iyo konton oo doolarka Maraykanka ah($450,000),KOOKAAYIINTA la qabtay ayaa waxaa wadatay haweeney musaafur ah doonaysayne ineey si sharci darra ah daroogada ku soo geliso dalkaasi Maraykanka,daroogada ayey haweeneyda ku soo dhex qarisay lugaha gaariga ey isticmaalaan dadka cuuryaamiinta ah,sidaas waxaa sheegay masuliyiinta gobolka New York ee dalkaasi Marayknka.Fashilinta dargooda la gelinaayey dalkaasi Maraykanka ayaa waxa eey dhacday 10/11/22-ka ka dib markii saraakiisha waaxda socdaalka iyo kuwa ilaalada xuduudyada ey joojiyeen qof haweeney ah oo musaafur ahayd kana timid Punta Cana ee Dominica Republic,haweeneyda ayaa ahayd mid cuuryaan ah kuna socotay gaariga loogu talagalay dadka cuuryaamiinta ah waxaane daroogada lagu soo dhex qariyey lugaha gaarigaas oo waxaa dhaqaaqi kari waayey gaariga markii la damcay in lagu socodsiiyo haweyneyda cuuraanka ahayd,sidaas waxaa sheegtay qof shaqaale ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.