SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILALKA KA …

(SAWIRKA)-SHIRKII MW-XASAN IYO RW- XAMSE LA YESHEEN MASUULIYIINTA AMNIGA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Reysal Wasaare Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ey si wadajir ah u shir Gudoomiyeen kulan deg deg ah oo ey isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka,shirkaas ey ka qeybgaleen masuuliyiinta Hayadaha Amniga Qaranka looga dhegaystay warbixin ku saabsan weerarkii Argagixisadda ku qaadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaay Xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho,khasaaraha ka dhashay weerarkaan iyo qorshaha lagu xaiijinaayo Amniga caasimadda Muqdisho ee hadda faraha ka sii baxaayo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa masuuliyiinta Hayadaha Amniga hordhigay weydiimo ku saabsan sida uu u dhacay weerarka Xeebta Liido,qaabka looga gaashaaman karo dhagarta Khawaarijta iyo habka loogu gurmaday shacabka ey dhibaatada ka soo gaartay weerarkii Xeebta Liido, MW-Xasan ayaana tacsi u diray dhammaan Qoysaskii iyo eheladii ey ka shahiideen shuhadadii ku baxday weerarkia xalay ka dhacay Xeebta Liido isla markaasne caafimaad deg deg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay. “Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun,weerarkii bahalnimada ahaa ee Argagixisada ku qaadeen Xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah iney meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. DF Soomaaliya waxaa ka go’an iney ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdaan dhiigya cabka ah”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhammaystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Argagixisadda ey ku xiran tahay taageeradda iyo wada shaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan Hayadaha Amniga isla markaasne ey u midoobaan sidii dalka looga ciribtiri lahaa Khawaarijta. “Shacabka Soomalaiyeed Walaalayaalow Argagixsadda Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dawlad,dhamaamteyn waxaan agtooda ka nahay cadaw ey baneysteen dhiigooda. U midooba Ciribtirkooda garab u noqda Ciidamadda Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiina ku dhuumanaayo”. Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijta dooneyso weerarada nuucaan oo kale ah iney ku argagax geliyaan shacabka Soomaaliyeed,isla markaasne ey ku qariyaan jabka is daba jooga ah ey Ciidamadda Qalabka Sida ugu gaysanayaan furimaha dagaalka,waxa uuna faray laamha Amniga dalka iney feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadda ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed.

ISHA/SNTV.