SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAMAYN DOONO…

SAWIRKA SARAAKIISHA AMNIGA GOBOLKA BANAADIR.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo saari doono wareegto wax looga bedelaayo talisyada ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir. Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee waqtigaan waa S/G.Xijaar ayaa lagu wadaa in lagu bedelo sarkaal ka soo jeedo Maamulka KGS waxayna sheegeen dadka arrimahaan u dhuun daloola inuu yahay Gen.Maxamed Cali Xaamud,kaaso hadda qeyb weyn ka qaatay qoritaanka askartii loo qaaday dalka Masar eyna kharashkooda bixinaysay Imaaraatka Carabta,Taliyaha ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ee waqtigaan waa Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa bedeli doono sarkaal ka soo jeedo Maamulka Puntland,sarkaalkan ayaa horay waxa uu u soo noqday taliyaha ciidamadda Kumaandooska ee uu tababaray Maraykanka ee Danab waxaane gadaal ka riixaayo MW-Deni,Taliyeyaasha ayagana la bedeli doono ayaa waxaa ka mida taliyaha ciidamadda lugta Gen.Biixi, taliyaha ciidamada GorGor Jareere. Dhinaca Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la bedeli doonaa gudoomiye ku xigeenada Gudoomiye Yuusuf Madaale,haddii aan dib ugu noqdo taariikhda la magacaabay Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ee hadda haayo xilalka ayaa la magacaabay 14/11/20-kii,waxa eyna kala ahaayeen: Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda C/qaadir Maxamed Maxamuud(Caana Boore-Murusade),Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Cali-Yare Cali(HG-Ceyr),Gudoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud Faarax Cabdi Diini(Duduble) hadda waa xildhibaan Aqalka Hoose,Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Xiireey Axmed Rooble(Xawaadle),Cali-Yare Cali ayaa waxaa lagu bedeli doonaa wiil uu dhalay AUN-Nabadoon Axmed Diiriye lana yiraahdo Maxamed Axmed Diiriye(Yabooh),Gudoomiya ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwa Basma. Waxaa kaloo jirta in ayagana la bedeli doono Gudoomiyaha Gudiga shaqaalaha Rayidka ah Abshiraw iyo Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Yareey,arrintaan ayaa waxaa gadaal ka riixaayo Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada Mudane Abshir Bukhaari balse la arki doonee waxa ka soo baxa arrimahaan iska soo daba dhacaayo.

ISHA WARKA SB-MEDIA(SOMALIA).