SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASH SOOMAALIYA IYO RUWAANDA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Ruwaanda ee Kigaali ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan miradhal ah la qaatay dhigiisa Jamhuuriyadda Ruwaanda Md.Paul Kagame ee uu ka qeybgalay caleema saarkiisa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga oo adkeeyey doorka muhiimka ah ee iskaashiga Gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashadda caqabadaha iyo la dagaalanka Argagixisadda. Madaxweyne Paul Kagame ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ey ka gaartay dhinacyadda Amniga,Diblomaasiyadd iyo dhaqaalaha,waxa uuna balan qaaday in dalka Ruwaanda uu taageeri doono dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. MW-Xasan iyo wafdigiisa ayaa halkaas u tegay iney qeybgalaan xafladda caleema saarka MW-Paul Kagame oo mar labaad dib loo doortay. Dalka Ruwaanda ayaa ka mid ah wadamadda Afrika ey ka dheceen dagaaladda lagu hoobtay laguna xasuuqay dad fara badan kuwaso ilaa hadda dacwadooda ey ka socoto Maxkamadda Caalamiga ah ee ddembiyadda qaada.

ISHA/SNTV.