SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA HADLAY MADASHA OSLO.

(SAWIRKA)-MADASHA OSLO.

(OSLO-NORWAY)-In ka badan 100-Hogaamiyeyaal, dhexdhexaadiyeyaal colaadeed,iyo Jileyaal ka kala socdo Adduunka oo dhan ayaa todobaadkan isugu yimid dalka Norway si ey uga fiirsadaan dadaaladda Nabadeed ee hadda socda iyadoo ey sii kordhayaan iska horimaadyadda caalamiga ah iyo kuwa siyaasadeed oo iyagana sii kordhaayo. Kulanka Oslo oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo qabaqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway iyo Xarunta Wada tashiga Bani’adanimadda(HD) ayaa ka qeybgalayaasha u soo bandhigaya Jawi hufan,Jawi aan rasmi ahayn oo ey isku weydaarsadaan Aragtiyo,Qiimeeyaan isbedeladda dhaqsiga ah iyo iska Horimaadyadda Hubaysan iyo sahminta hab cusub oo lagu xalliyo. Madasha Oslo ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin heer sare ah uuna ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud, Reysal Wasaare ku xigeenka ahne Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba Joogta dalka Urdun Md.Eyman Safadi, Reysal Wasaare ku xigeenka Moldova Oleh Serebrain, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Md.Amiir Faysal Bin Farxaan AL-Sacuud, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Indonisiya Retno Marsudi, Wasiirul Dawaladda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawladda Qadar Md.Maxamed Bin C/casiis AL-khuleyfi, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraatka Carabta Md.Nuur AL-Kacbi iyo Wakiilka sare ee Qaramadda Midoobe u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha Mr.Volker Turk. Wada hadaladda ayaa lagu falaqeyn doonaa Horumarka Diblomaasiyadeed ee Goobaha Juqaraafi-Siyaasadeed,waxaane lagu soo bandhigi doonaa doodo ku saabsan iska horimaadyadda ka socdo GAZA,YUKRAYN,SUDAAN,MYNMAR iyo Goobo kale ee uu ka jiro iska Horimaadyo. Ajandaha Madasha Oslo ee sannadkan ayaa waxaa ka mid ah fadhiyo ku saabsan sugidda Xabad-Joojin Waarta,wax ka qabashadda khilaafaadka Badda,iyo wax ka qabashadda rabshadaha baahsan ee xiriirka la leh Ururadda Dambiileyaasha ah sida AL-Qaacidda iyo Daacish/ISIS.

ISHA/SBM.