MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO JABUUTI KULA…
(SAWIRA)-MW-XASAN SHEEKH IYO DHIGIISA JABUUTI GEELE.
(JABUTI)-Wararka aan ka heleyno Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud uu maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhigiisa Md.Ismaaciil Cumar Geele. labada Madaxweyne oo ey wehliyaan masuuliyiin ka kala tirsan labada Dawladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojinlhaa iskaashiga iyo walaalanimada labada shacab. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa tlmaamay in dawladda iyo shacabka Jabuuti ey sii wadayaan taageeradda iyo garab istaaga dawladnimada Soomaaliya,isagoo soo bandhigay dadaalka ey ku bixinayaan Nabadda,Amniga iyo xasiloonidda dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya ey maanta soo gaartay dhammaadka hawlgalkii Nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS haatane uu bilaaban doono hawlgal ku meel gaara ah oo mudda kooban socon doono(AUSSOM),qorshuhuna uu yahay in dhawaan ey si buuxdo ey CQS ee Soomaaliya ey ula wareegaan guud ahaan amniga dalka. Sidoo kale,MW-Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada leh ey u garab taagan yihiin dalkeyna waxa uuna adkeeyey muhimadda iskaahiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
ISHA-SNTV.