SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNE XASAN OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKA GUDIGA..

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO KA QEYBGALAY SHIRKA GUDIGA LA DAGAALANKA LACAG DHAQIDDA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta shir Gudoomiyey Shirka Gudiga Qaranka La dagaalanka Lacag dhaqidda iyo ka Hortaga Maalgelinta Argagixisadda oo ku qabsoomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyadda JFS. Gudiga ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixino ku saabsan hanaankooda shaqo,guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaalaha ee Alshabaab iyo Qorshayaasha cusub ee lagu wajahaayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisadda,Gudiga ayaa soo bandhigay shaqsiyaad ka tirsan Alshabaab oo lagu soo rogay cunaqabateyn dhaqaale. Madaxweyne Xasan sheekh ayaa dul istaagay muhimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadda iyo nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya,Madaxweyne Xasan ayaa faray masuuliyiinta ku mideysan Gudigaan in la dardargeliyo Qorshayaasha Burburinta ilaha dhaqaale ee Alshabaab iyo ciribtirkooda Maaliyadeed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan lacag dhaqidda.

ISHA/SNTV.