MADAXWEYNE PUTIN OO LA KULMAY…
(SWAIRKA)-KUANKI PUTIN IYO WAFDIGII MIDAWGA AFRIKA.
(ST.PETERSBURG)-Ururka Midawga Afrika(AU) ayaa waxa uu dhisay gudi nabad raadin ah kana kooban wadamadda kala ah{K/Afrika,Komoros,Senigal,Zambia,Masar,Koongo iyo Ugandha} wafdigaan ayaa loo xilsaaray iney xal u raadiyaan dagaalka u dhexeeyo dalalka Ruushka iyo Yukrayn,shalay oo Sabti ahayd(17/6/23)-ka ayuu Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin waxa uu la kulmay wafdgii nabad raadinta ee ka socday Ururka Midawga Afrika,ujeedka kulan labada dhinaca ayaa ahaay sidii loo soo afjari lahaay dagaalka u dhexeeyo wadamadda Ruushka iyo Yukrayn. Wafdiga ka socday Ururka Midawga Afrika ayaa horay waxa ay ula soo kulmeen Madaxweynaha dalka Yukrayn Zelenskyy maalintii Jimcaha caasimadda Kyiv ee dlka Yukrayn,waxa uuna wafdiga ka socday Ururka Midawga Afrika uu Madaxweyne Putin kula kumay Madaxtooyada KONASTANTIN ee ku taalo St.Petersburg.
ISHA WARKA AA.