SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNE GEELE OO DIB UGU SOO LAABTAY JABUUTI.

(JABUUTI):Waxaa dalka jabuuti dib ugu soo laabtay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka dib markii uu fasax gaaban ku tegay dalka Faransiiska oo ah dalkii gumaystay Jabuuti,madaxweyne Geele ayaa hadda jira todobaatan iyo seddex sano waxa uuna dalka Jabuuti xukumaayey muddo dheer tan iyo markii uu geeriyooday AUN-XASAN GUULEED ABTIDOON,dalka Jabuuti ayaa ah mid uu ka jiro hal xisbi ahne kan taladda dalka haayo.Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshadda lagu baafiyey in Madaxweyne Geele loola cararay isbitaal ku yaalo dalka Faransiiska si halkaas loogu soo daaweeyo,arrintaas ayaa waxa ka jawaabay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaasoo sheegay in madaxweyne Geele uusan Faransa u aadin arrimo caafimaad balse halkaas u aaday nasasho,waxa uuna wasiirka beeniyey warark been abuurka ah ee laga sameeyey madaxweynaha.XIGASHO STAR.

RIIX HALKAAN.