SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KORORSADAY MUDDO LABA SANO AH.

Dalka soomaaliya ayaa waxa eey ka jirtaa arrin aad u cakiran oo dhinaca siyaasadda ah ka dib markii eey dhammaadeen waqtigii loogu talagalay ineey shaqeeyaan hayadaha dastuuriga ah sida baarlamaanka labadiisa aqal(Hoose/Sare) oo ku ekaay 27/12/2020-ka iyo xilka madaxweyanaha oo ku ekaay 8/2/2021-ka,dalku ma aadin doorasho nuuceey doontaba ha ahaatee Dadban/Qof iyo cod waxaane intaas dheer hayadihii amniga ee dalka laga dhigay kuwa qeyb ka ah siyaasadda waxaane dhacday ineey weerareen musharixiinta mucaaraddka 19/2/2021-ka arrintaan ayaa waxa aka dhashay qeylo dhaan fara badan iyo eedaymo loo soo jeedihaayo dawladda uu dhammaday waqtigeeda uu hogaamiyo Farmajo,hadaba waxaa dhacday in eey guuldareysteen dhamman wada hadaladii u socday maamul goboledyada ka tirsan DFS waxaane taas ka dhashay in hal dhinac oo ah DFS ineey u dhaqaaqdo ineey sameysato waqti korosi dhan laba sano si dalka loo gaarsiiyo doorasho,waxaa dhacday maalintii uu baarlamaanka u balansanaay inuu kororsado waqtiga ayaa waxaa is hortaag sameeyey taliyaha booliska G/Banaadir Gen.Saadaq Cumar Xasan(Saadaq Joon) waxaane arrintaan ka falceliyey taliyaha booloiska soomaliyeed S/g.Xijaar oo xilkii ka qaaday taliye Saadaq,maalin ka dibne waxa darajadii ciidanka ka xayuubiyey madaxweynaha waqtigisu dhammaday Farmajo,shalay oo Arbaca ahaydne waxa la isku dayey in gudaha magaladda muqdisho laga soo qabto Gen.Saadaq loona diyaariyo ciidamo uu hogaaminaayo taliyaha ciidamada lugta ee XDS Gen.Biixi oo ku heeyb ah Farmajo waxane taas ka dhashay in arrintii yeelato weji qabiil ciidamdiina u kala baxaan labada qabiil eey ka soo kala jeedaan labada Generaal laguna dhawaaday in habenki xalay ahaay la isku fara saaro magaaladda Muqdisho,waxaane weli taagan wixii la isku haayey loomana helin xal waara ilaa hadda,hadaba arrintaan kororsiga ayaa waxaa wax ka qoray waragayska NEW YORK TIMES.

RIIX HALKAAN.