SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADAXWEYNAHA JUBALAND OO DALACSIIYEY…

(SAWIRKA)-MW-AXMED MADOOBE.

(KISMAAYO)-Wararka ka imanaayao caasimadda Gobolka Jubadda Hoose ee Kismaayo ahne caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland ayaa sheegaayo in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) uu maanta oo Arbaca ah uu booqasho dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubaland gaar ahaan Guutadda Birjeex ee fadhigeedu yahay degaanka Buulo-Xaaji halkaas oo maalintii Isniin ee ina dhaaftay ey ciidamdu jab aan laga soo kabsan karin ey ku gaarsiiyeen Kooxda Alshabaab,waxaane kooxda Alshabaab dagaalkaasi looga dilay in ka badan ilaa 130-maleeshiyo. Madaxweyne Axmed Mdoobe ayaa uga mahad celiyey Ciidamadda geesiyaasha ah guusha ey ka gaareen dagaalkii Isniintii dhacay,Madaxweynaha ayaa xusay in guushaas ey tahay mid ey ku faani karaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadalkiisa ku daray in cadawgu uu tabar daran yahay loona baahn yahay in la is raaciyo iyadoo wax badan laga bartay dhagartiisa,hadda ka dibne ey Soomaali oo dhan aragtay in Alshabaab laga adkaan karo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bilad Geesinimo gudoonsiiyey G/Sare. C/kaafi Dayib Axmed oo ah Taliyaha Guutadda Birjeex ee Ciidamadda Daraawiishta Jubaland iyo G/sare. Bashiir Guhaad Xasan oo ah Abaanduulaha Guutada Birjeex iyo G/le dhexe Axmed Cabdi Shafeec. Sidoo kale,Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa min haldarajo dalacsiiyey dhammaan Ciidamadda Guutadda Birjeex ee Ciidamadda Daraawiishta J/land kuwaaso dhegta dhiiga u daray Alshabaabkii soo weeraray kaaso banaystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ciidamadda ku booryey in loo baahan yahay dadaalkii hore mid ka badan iyo nafhurnimo si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab.

ISHA/SNTV.