MADAXDA AFRIKA OO DANEYNEYSA INEY XUBIN…
(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.
(KIGALI-RWANDA)-Wadamadda Afrika waa iney ku adkaystaan mawqifkooda mideysan kuna saabsan codsigooda ku aadan kuraasta joogtada ah ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe,Madaxweynaha Equaterial Guinea ayaa sheegay sidaas shalay oo Jimca ahayd. Obiang Nguema Mbasogo ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ey xilkan u riixaysay tan iyo sannadkii 2005-tii iyadoo aan wax horumar la taaban karo ah ka gaarin hamigeeda saxda ah. Waxaa loo baahan yahay in la qaado talaabo dib loogu nooleysiinaayo oo laga sameynaayo dhinaca Qaaradda Afrika iyadoo Qaaradda Afrika ey dalbanayso in la saxo cadaalada darrada taariikhiga ah ey ku jiri jirtay Qaaradda Afrika,maadaama ey tahay Qaaradda kaliyah ee aan wax metelaad ah ku lahayn Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe,Nguema ayaa sheegay mar uu ka hadlaayey shir madaxeedka Gudiga Midawga Afrika ee Tobanka(C10) ee ka socdo Equaterial Guinea. Kulanka oo ka dhacay La Paz ayaa waxaa isugu yimid Madaxda dawlad goboleedyada iyo sido kale wakiilo ka socday Qaramada Midoobe iyo Hayadaha Midawha Afrika,ujeedka ayaa ahaay in meel looga soo wada jeesto dib u habaynta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC).
ISHA/AA.