SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MADASHA ANTALYA OO MAANTA KA FURANTAY TURKIGA.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA TURKIGA FADAN HAKAN.

(ANTALYA-TURKEY)-Wararka ka imaanayo magaaladda Antalya ee dalka Turkiga ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah uu halkaasi ka furmay shir ey ka qeybgelayaan Madaxda adduunka intooda badan waane shir looga hadli doono sidii xal loogu heli lahaay arrimo hadda taagan. Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan oo maanta ka hadlay Madasha Antalya ayaa sheegay in Madasha Diblomaasiyadda Antalya ey diiradda saari doonto xal u helidda xasaradaha khatarta ku ah nabadda iyo amaanka caalamka,gaar ahaan xasuuqa ka socdo Marinka Gaza. Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya ayaa waxaa gar wadeen ka ah Madaxweynaha dalka Turkiga Md.Rajab Dayib Erdogan,waxaane shirkaan martigelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga,meertada seddexaad ee Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya ayaa bilaabaty maanta oo Jimca ah,halku dhega ugu weyne waxa uu yahay “Kor u qaadista diblomaasiyadda iyadoo ey jiraan dhibaatooyin”

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.