MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO KA BAXAY PUNTLAND.
(SAWIRKA)-ISIMADDA SSC-KHAATUMO.
(LAASCAANDOOD)-Wararka ka imanaayo caasimadda Goblka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaayo in Isimadda dhaqanka ee SSC-Khaatumo ey maanta oo Sabti ah kuna beegan 23/12/23-ka ku dhawaaqeen ineysan gebi ahaanba qeyb ka ahayn arrimaha Doorashada Puntland ee sannadka 2024-ka. Go’aanka rasmiga ah ee ka soo baxay Isimadda dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa lagu cadeeyey ineysan soo xuli doonin 17-kii Xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland ee laga soo doorto degaanadda SSC-Khaatumo. Go’aanka oo uu warbaahinta u akhriyey Af-hayeenka Isimadda dhaqanka SSC-Khaatumo Garaad C/salaam Xasan Maxamed,sidoo kale Garaadka ayaa cadeeyey ineysan sii joogi karin 17-ka Xildhibaan ee hadda ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Golaha Isimadda dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyey ineysan cid ka soo jeeda degaanadooda u tartami karin doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee sannadka 2014-ka. Isimadda ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan Gudiga Xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC-Khaatumo iney xilka iska casilaan. Isimadda SSC-Khaatumo ayaa sheegay iney dhisteen maamulka SSC-Khaatumo oo ey ka madax banaan yihiin Puntland isla markaasne ka qeybgeli karin doorashada maamul kale.
ISHA/PUNTLAND POST.