SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Maamulihii Amiin Ambulance oo…

sagaalkii bishii shanaad ee sannadkaan 2020-ka ayey ahayd markii warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka uuna ku saxiixan yahay xeer ilaaliye ku xigenka qaranka Dr.c/risaaq Macallin xuseen lagu amray ciidamadda booliska qeybta dembi baarista(CID)-da ineey soo xiraan maamulaha Amiin Ambulance Dr.C/qaadir C/raxmaan Aadan ka dib markii uu dacwad ka soo gudbiyey dhibane Zakariye C/laahi,waxane Dr.C/qaadir laga qabtay baarka la yiraahdo Spaghetti House kuna yaalo magaaladda Muqdisho.

dhibane Zakariye oo maanta la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa xaqiijiyey in maamulihii Amiin Ambulance Dr.C/qaadir loo gudbiyey xabsiga dhexe ee magaaladda Muqdisho,Dr.C/qaadir ayaa loo haystaa amaba ku eedaysan inuu lunsaday lacag dhan $ 214.000,lcagtaan ayaa ka dhexeeyso rag fara badan balse Zakariye ayaa uga wakiila ahaay lacagta una dhiibay Dr.C/qaadir. waxaan maqli jiray Wax Gedgedi Wax hakula gadoomaanee.