MAAFIYA SIYAABO KALA DUWAN LOO QABTAY.
Marc Feren oo konton iyo seddex(53)-jir ah waa nin ka tirsan maafiyadda dalka Talyaanig baxsadna ka ah garsoorka dalka talyaaniga waxaane Marc ugu dameeyntii lagu qabtay dal ku yaalo kareebiyaanka oo la yiraahdo Jamhuuriyadda Dumeenika ka dib markii uu Marc uu Youtub-ka soo dhigay Video uu kaga hadlaayo cunta karinta gaar ahaan cuntada dalka Talyaaniga,Marc wejigiisa kama uusan muuqan Video-ga uu soo duubay waxaane si aan ulakac ahayn loo arkaayey Taatuugiisa.
Marc ayaa Jamhuuriyadda Dumeeika kaga noolaay halka loo yaqaano Boco Chica waxa uuna Marc halkaas ku haystay nolol aad u degan waayo waxaa halkaas ku muhaajiriin u dhalatay dalka Talyaaniga oo Marc u arkaayey inuu yahay ajnabi iyaga la mida sida uu sheegay Booliska magaaladda Boco Chico. Marc ayaa baxsad ahaay garsoorka dalka talyaaniga tan iyo sannadkii-2014-kii kuwaasoo amray in Marc la soo xiro isagoo ku eedaysan inuu maandooriyaha Kokaayiinka ka ganacsado isla markaasne uu geeyo dalka Holland halkasoo eey ku sugan yihiin maafiyo reer Holland oo qabiilkooda la yiraahdo CACCIOLA. Maalintii Isniinta ahayd ayaa waxaa dhacday in dalka Bortaqiiska lagu qabtay nin la yiraahdo Francesco Pelle kaasoo la radainaayey muddo afar iyo toban(14)-sano ah,Francesco ayaa la rumaysan yahay inuu yahay shaqsi aad khatar u ah kana tirsan maafiyadda dalka Talyaaniga ee baxsadka ka ah cadaaladda,soo qabashadda Francesco ayaa suuragashay ka dib askartii raadinaysay Francesco uu raadkiisa la galay rug caafimaad oo ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Lisbon halkaasoo Francesco laga daaweynaayey cudurka Covid-19. XIGASHO THE GUARDIAN.