SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Ma runbaa…

Waxaa dalka ka ambabaxay 26-kii-bishaan-2020-ka R/W-Kahayre iyo wafdi uu hogaaminaayo uu ka mid yahay gudoomiyaha bankiga dhexe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xfs,sida la sheegay waxa uu R/W-khayre la kulmi doonaa dhigiisa dalka Qadar si xal looga gaaro dhaqaale soomaaliya loogu talagalay oo mudo xayirnaay,dhinaca kale waxaa soo baxay warar kale oo sheegaayo in R/W-khayre xanuunsan yahay sidaas darteedna uu dalka Qadar u aaday arrimo caafimaad balse aan la shaacin waane arrin leh halisteeda waayo dalka Qadar waxaa horay loogu khaarijiyey AUN-Eng.Yariisaw halkii eey ahayd in la geeyo dalka turkiga,su’aalo badan ayaa ka yimid maqnaashaha R/W-khayre iyo war la’aanta halka arrimhiisa uu u tegay dalka Qadar. R/w-khayre ayaa ah shaqsi u han weyn inuu dalka ka noqdo Madaxweyne bedeli kara kan hadda joogo oo u muuqada mid eey neceen shacabka soomaliyeed eeyn adag tahay inuu dib u helo taageeradii shalay uu helay mid la mida,hadaba R/w-khayre waa loo yabaa inuu isna ku baxo gacanta sirdoonka dalka Qadar oo si aada u maleega dhibka lagu kala gaabiyo siyaasiyiinta loo arko ineey halis ku yihiin maslaxadda dalka Qadar,ceeb kama aha carabta dhexdeeda in walaalka aad naftiisa u gooysid dantaada gaarka ah,haddii sirdoonka Qadar khaariyeen AUN-Eng.Yariisaw maantana uu dalkooda caafimaad u joogo R/W-khayre oo aan ognahay in khilaaf baahsan uu kala dhexeeyo madaxweyne Farmaajo iyo agaasimaha hayadda aan sharciga ku dhisneeyn ee NISA isla markaasne ah milkiolaha DFS Ex-wariye Aljazeera Mr.Fahad Yaasiin,ma ila aha mid lala yaabo in masuuliyiinta soomaalida is cunaan marka uu soo dhawaado waqtigii eey booska banayn lahaayeen lana yimaadaan waxyaabo sharaf dhac ku ah sumcadooda,isku soo wada duub ma runbaa in R/W-khayre caafimaadkiisu liito loona qaaday isbitaal,mana jirto cid ilaa hadda sheegi karta xaaladda caafimaad ee R/W-khayre uu hadda ku sugan yahay.