SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MA BAXSADAY MASE SAFAR CAADI AH…

(SAWIRKA)-SHILKII UU GALAY WIILKII UU DHALAY MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

(ISTANBUL/TURKEY)-Waxaa maalmahaan baraha bulshada si aad ah loogu hadlaayey arrin ku saabsan shil baabuur uu galay wiil uu dhalay MW-Xasan Sheekh Maxamuud,shilkaas ayaa waxaa ku geeriyooday nin u dhashay dalka Turkiga,hadaba arrintaan ayaa hadda yeelatay weji kale kana duwan wejigii hore waxaane soo baxay warar sheegaayo in wiilka uu dhalay MW-Xasan Sheekh uu ka baxsaday dalka Turkiga mana la sheegin halka uu aaday. Duqa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga EKREM IMAMUGLO ayaa bartiisa(X) ee loo yaqiin TWITTER-ka waxa uu soo dhigay qoraal uu kaga hadlaayey dhacdada sheegayso in wiilka MW-Xasan ka baxsaday dalka Turkiga,waxa uuna qoraalkiisa u qornaay sidan: “Waxaan ogaaday in Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee magaaladda Istanbul uu qaaday tallaabo ku saabsan shilka galaaftay nolosha Yunus Emre Gocer iyo wixii Xigay. Marka hore waxa aan ku faraxsanahay in si taxadar leh loo baaro isburinta warbixintii ugu horeysay ee shilka iyo warbixintii u dambaysay ee sababtay in Edeysanaha uu u baxsado dibadda. Natiijadda baaritaanka,sharaxaad lagu qanco ayaa dadweynaha loo samayn doonaa taaso ku saabsan isburinada warbixinada. Munaasabadaan waxaan mar labaad u rajaynayaa qoyska murugaysan Samir”. Dacwad oogaha turkiga ayaa maanta oo Jimca ah kuna beegan 8/12/23-ka waxa uu soo saaray amar lagu soo xiraayo wiiil uu dhalay MW-Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii uu ka soo baxsaday dalka Turkiga sida la sheegay inuu isaga weday baabur galay 30/11/23-ka shilkaaso uu ku geeriyooday unus Emre Gocer,soo baxasashada dalka Turkiga ee wiilka MW-Xasan ayaa waxa ey dhallisay carro gudaha magaaladda Istanbul ee dalka turkiga.

ISHA/DUVAR.

HALKAN AK SI AKHRISO.