SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LIIBIYA OO SOO AFJARAYSA TAHRIIBKA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA LIIBIYA.

(TRIPOLI)-Wararka aan ka heleyno dalka Liibiya ayaa sheegaayo in Degmada Mileteriga ee Xeebta Galbeed oo xiriir la leh Golaha Madaxtooyadda Liibiya ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabmay Hawlgal Mileteri oo lagu baacsanaayo kooxaha Tahriibka dalka Liibiya,laguna ciribtiraayo Maandooriyaha iyo demiyada ka dhaca Galbeedka dalka ujeedaduna ey tahay soo celinta Amaanka iyo xasilloonida. Bayaan uu soo saaray fiidnimada caawa oo Jimca ah,aaga Mileteri wuxuu ugu baaqay dhammaan mawaadiniinta ku nool AL-Zaawiya iney ka fogaadaan goobaha looga shakisan yahay iney ku jiraan kuwa wax Tahriibiya taaso noqon karta Bartilmaameedka weerarada Mileteriga. Waxaa sidoo kale mawaadiniinta laga codsaday iney la shaqeeyaan Ciidamadda oo ey soo sheegaan dhaqdhaqaaqa kuwa looga shakisan yahay iney wax Tahriibiyaa,iyadoo loo macneeyey in hawlgalkaan yahay mid lagu xaqiijinaayo Amniga iyo Xasiloonida AL-Zaawiya iyo dhammaan magaalooyinka ku yaalo kale ee ku yaalo Xeebaha Galbeed ee dalka Liibiya si loo soo afjaro fawdada halkaasi ka jirta. Waxaa xusid mudan in Xeebaha Galbeed ee dalka Liibiya ey yihiin Gobolka ey ka jiraan Tahriibinta Shidaalka iyo dadka sharci daradda ah iyo sidoo kale ka ganacsiga Daroogada. Inta badan goobaha laga Tahriibo ayaa ku baahsan Xeebaha Magaalooyinka AL-Zawiya Sabraata, Zuwara iyo AL-Khumus balse waxaa sidoo kale gacanta ku haayo Maleeshiyaad Hubeysan oo qaarkood kasoo horjeedo maamulka Siyaasadeed ee ka jira caasimadda Tripoli. Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan doona dadaaladda degenaanshaha iyo isku dayga lagu doonaayo in xal loogu helo iyo sidii afgarad siyaasadeed oo dhexmara Madaxda dalka,taaso horseedi doonto in la qabto Doorashooyin guud.

ISHA-AA.