LIBNAAN OO LAGA CABSI QABO INUU KA DHACO DAGAAL SOKEEYE.
(Beyruut):Hogaamiyaha ururka Xisbullaahi ee dalka Libnaan Alsayid Sheekh Xasan Nasrallah ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay inuu haysto boqol kun(100,000) dagaalyahan oo leh tababar fiican,haddii hadalka Nasrallah sax yahay waxa eey ka dhigan tahay in Sheekha ka ciidan badan yahay dawladda Libnaan oo ciidamadeeda lagu qiyaaso ineey dhan yihiin sideetan iyo shan kun(85,000).Todobaadkii hore ayey ahayd markii la isku farasaaray magaaladda Caasimadda ah ee Beyruut ka dib markii eey banaanbax sameeyeen laba koox oo Shiica ah kalana ah Xisbullaahi iyo Amal sababta banaanbaxa ayaa lagu sheegay ineey Shiicadu diidan tahay baaritaanka uu wado Garsoore Dhaariq Bitaar kaaso ku saabsan qaraxii ka dhacay dekadda Beyruut afartii Agoosto-2020-ka eeyna ku dhinteen dad garaayo 250-qofood kuwa intaas ka badane eey ku dhaawacmeen,qaraxaas waxa ku burburtay hanti aad u fara badan oo aan dadkoodii weli la siin wax mag dhaw,dhinaca kale,garsoore Dhaariq ayaa maxkamadda uga yeeray wasiiro hore oo Shiica ah balse ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka lagana cabsi qabo ineey wayaan xasanadooda markeey tagaan maxkamadda horteeda waane tan Sheekh Xasan ku qasabtay inuu abaabulo banaanbaxa.XIGASHO AP.