SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LIBNAAN OO ISKA DIIDAY…

QAXOOTIGA SUURIYA EE DALKA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxa ku nool qaxooti aad u fara badan kana soo soo jeedo dalka Suuriya waxaane tiradooda lagu qiyaasaa ineey dhan tahay hal milyan iyo bar qofood oo qaxooti ah,maalmo ka hor ayaa waxaa warbixin soo saartay hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR waxa eeyna kaga warantay arrinta ku saabsan Midab kala sooca lagu sameeyo qaxootiga reer Suuriya kuna sugan dalkaasi Libnaan,warbixinta ayaa sheegtay in shaqaalaha reer Suuriya lagu bedelay kuwa Libnaan ah gaar ahaan shaqaalaha ka shaqqeeyo goobaha lagu sameeyo Rootiga amaba Foornooyinka,hadaba dalka Libnaan ayaa iska diiday eedeynta loo soo jeediyey waxaane qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Libnaan lagu sheegay in dalka Libnaan uusn qaadan go’aan ah in shaqaalaha u dhashay Suuriya lagu bedelo kuwa reer Libnaan ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI