LIBERIYA OO DOORATAY MADAXWEYNE CUSUB..
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA CUSUB EE DALKA LIBERIYA.
(MONROVIA)-Madaxweynah dalka Libeeriya George Weah ayaa qirtay in looga adkaaday doorashadii dhacday 14/11/23-ka taaso Natiijadeeda ey soo baxday shalay oo Jimca ahayd,doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Madaxweyne ku xigeenka waqtigaan ee dalka Libeeriya Joseph Nyumah Boakai,tartanka ayaa ahaay mid ey natiijadiisu ey aad isugu dhaweyd,Boakai ayaa helay codad dhan 50.89% halka uu MW-Weah uu helay 49.11%,waxaane doorashada dalka Libeeriya u soo baxay iney ka qeybgalaan 99.58% sidaas waxaa laga soo xigtay Madaxa doorashooyinka dalka Liberiya Davidetto Browni Lansanah. Josepj Nyumah Boakai ayaa dhashay sannadkii 1944-kii waxa uuna soo noqday Madaxweyne ku xigeenkii 29-aad ee dalka Liberiya,xilalka uu soo qabtay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Beeraha dalka Liberiya intii u dhexeeysay 1983 ilaa 1985-tii,Madaxweynaha la doortay ayaa ka tirsan Xisbiga Midnimo(Unity Party) waxa uuna xilka la wareegi doonaa bisha Janaayo sannadka 2024-ka waxaane Madaxweyne ku xigeen loo doortay Jeremiah Koung, Jeremiah ayaa horay waxa uu uga soo mid noqday Aqalka Wakiiladda dalka Liberiya intii u dhexeysay 2012 ilaa 2020-kii,Jeremiah ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Senitar dalka Liberiya sannadkii 2020-kii,waxa uuna noqday ninka u taagan Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Dimuqaraadiga iyo dib u dhiska sannadkii 2022-kii.
ISHA/AA.