LAGA ROONE MUQDISHO LAGU QABTAY MAANTA.
(SAWIRKA)-AXMED SUUDI MACOW.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta Gobolka Banaadir iney maanta oo Arbaca ah saldhiga degmada Xamar weyne ey ku xireen Eedeysane lagu magacaabo Axmed Suudi Macow Deeyow oo 30 jir ah. Axmed Suudi Macow ayaa ku eedeysan inuu ku kacay falal lidi ku ah dhaqanka suuban ey leedahay Ummadda Soomaaliyeed sidoo kale uu dooriyey/bedelay Jirkiisa isuna ekeysiiyey Dumar. Axmed Suudi,sida uu sheegay Booliska Gobolka Banaadir waxaa ku socoto baaris oo haddii ey dhammaato la horkeeni doono Maxkamadda awooda u leh. Booliska oo soo saaray qoraal la xiriiro xaaladda Axmed ayaa cadeeyey inuu weli wado baaritaan la xiriiro waxa keenay in Axmed Suudi uu sidaan sameeyo iyo cidda ka dambeeyso fidnanadaan eynaba dhici karto iney jiraan Hayaddo caalami ah oo ka hawlgala dalka Soomaaliya iney arrintaan ka wada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. In la arko nin isu ekeysiiyey Naag isna cadeeyey hadane baraha bulshadda sida TIKTOK ka soo muuqanaayo isagoo iska dhigaayo qof dumar ah waa arrin ka fajacisay dadbadan oo Soomaaliyeed kuwaaso isticmaala baraha bulshadda. Axmed ayaa la sheegay inuu barta TITOK uu ku leeyahay saaxibo badan ka dib markii Boolisku ey baareen Telefoonkiisa soona heleen Lambaro uu Axmed la wadago baraha bulshada saaxibana ey yihiin balse Boolisku uusan sheegin kuwa ey yihiin.
ISHA/SNTV.