SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LAFTAGAREEN OO WEERAR KU AH WASIIR ILYAS.

(SAWIRKA)-WASIIR ILYAS CALI NUR.

(BAYDHABO)-Inteyna badan waxa aan la soconaa inuu dhammaaday waqti xileedkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen),12/22-kii ayuu ku ekaay waqti xileedka Laftgareen waxaane dhacday in Baarlamaanka KGS uu u kordhiyey waqtigiisa muddo hal sano ah kuna eg 12/23-ka. Dhammaadkii sannadkii hore 2022-kii waxaa magaaladda Baydhabo ka dhacay dagaal culus una dhexeeyey xoogag ka kala tirsan DGKGS iyo kuwa Musharax Madaxweyne Farketi waxaane dagaalkaasi ku naf waayey dad fara badan waxaane ku dhaawacmay tiro aan la aqoon ilaa hadda. MW-Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka JFS Sheekh Adan Madoobe ayaa dhexdhexaadin ka sameeyey arrinta ka taaganeed magaaladda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee KGS Baydhabo,waxaane la go’aamiyey in KGS ey doorasho ka dhici doonto dhammaadka 2023,hadaba maxaa is bedelay? Bishii Meey-2023-kii ayaa waxaa shiray Golaha Wadatashiga Qaranka(GWQ) waxa eyna go’aamiyeen in Madaxweynayaasha Galmudug,KGS iyo J/land in loo kordhiyey waqti xileedyadooda looguna daray min hal sano oo dheeri taaso macnaheedu yahay KGS waxa ey doorasho ka dheceysaa 12/24-ka haddii la isku afgarto sannadka dheeriga ah ee loogu daray Laftgareen. Ka dib markii uu ka soo laabtay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 7-aad kana dhacay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uuna soo gaaray magaaladda Baydhabo ayuu MW-Laftagareen waxa uu bilaabay inuu ugaarsado Wasiirkiisii hore ee Warfaafinta Md.Ilyas Cali Nuur ka dib markii uu Wasiir Ilyas iska diiday shirqool la doonaayey in lagu xiro, shirqoolka ayaa ahaay uga yeerid Maxkamada Baydhabo ayadoo aan la sheegin eeda loo haysto Wasiirka hore waxaane weli taagan xiisad ka dhalatay arrintaas oo hadda yeelatay weji Qabiil ka dib markii Odayaasha dhaqanka Qabiilka uu ka soo jeedo Wasiir Ilyas(BOQOL HORE) ey xiriir la soo sameeyeen MW-Xasan Sheekh una sheegeen waxa uu Laftgareen ka wado Baydhabo iney yihiin daandaansi Qabiileed isla markaasne uu Laftagareen ka baxay heshiiskii horay loo gaaray.

ISHA/SB-MEDIA.