LABADA AQAL EE BJFS OO KA DOODAY…
(SAWIRKA)-FADHIGA LABADA AQAL EE BJFS.
(MUQDISHO)-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah(21/10/24)-ka waxa ey kulankoodii seddexaad ee kal fadhiga 5-aad ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee BJFS ee Villa Hargeysa ee magaaladda Muqdisho. Kulanka maanta ee labada Aqal ee BJFS ayaa waxaa soo xaadiray Golaha Shacabka 153-Xildhibaan halka aqalka Sare ey soo xaadireen 28-Senitar,kulanka maanta ayaa waxaa shir Gudominaayey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cali Shacbaan iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee isla Aqalka sare ee BJFS Mudane C/laahi Timacadde. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaay akhrinta 2-aad ee Xisaab Xirka Maaliyadeedka sannadkii tegay ee 2023-ka,Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ah Gudoomiyaha Gudiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa labada Gole waxa uu u faahfaahiyey warbixinta Gudiga ee xisaab xirka sannadkii 2023-kii. Gudoomiya Maxamed Faarax Nuux ayaa Muadanayaasha labada Aqal ka hor sheegay in Miisaaniyadii sannadkii tegay ey dhammeed $917,271,187,lacagta sannadkaasi soo xarootay ayuu Gudoomiye Nuux ku sheegay iney ahayd laba qeybood,qeybta 1-aad ayuu ku sheegay iney dhammeed $746,35,396 halka qeybta 2-aad uu ku sheegay $171,238,795,waxa uuna gudoomiyaha sheegay inuu jiro hoos u dhac dhan 19%. Intaas ka dib Xildhiaanadda labada Aqal ee BJFS ayaa ka dooday xisaab xirka sannad Maaliyadeedka 2023-ka,waxa uuna Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Md.Shacbaan oo soo xiray kulanka maanta,waxa uuna sheegay in la soo gabagabeeyey ka doodista Xisaab xirka sannadkii 2023-kii isla markaasne Gudiga Maaliyadda ee labada Gole dib loogu soo celiyo si uu u soo diyaariyo akhrinta seddexaad ka dibne Golaha loo horgeeyo.
ISHA-BJFS.