SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LABADA AQAL EE BJFS OO ANSIXIYEY GUDIGA DOOR…

(SAWIRKA)-KALFADHIGII MAANTA EE LABADA AQAL.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ey wehliyaan Gudoomiye ku Xigeenadda Koowaad iyo Labaad ee Aqalka Sare Mudanayaasha kala ah Shacbaan iyo Timacadde,iyo Gudoomiye ku Xigeenka Labaada ee Golaha Shacabka ee BJFS Md.Abshiraw, kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa Ajandihiisa maanta oo Isniin ah ahaay: (1)-Ansixinta Habraaca Fadhiyadda Wadajirka ah ee Ansixinta Hindisa Sharaciyeed. (2)-Akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedyada{ Hindisa Sharciyeedka Doorashooyinka JFS, Hindisa Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyaasadda ee JFS iyo Hindisa Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha}. Fadhiga maanta ee labada Aqal ee BJFS ayaa ahaay Kalfadhigii Shanaad kulankiisii lixaad,waxaane kulanka maanta soo xaadiray oo kooramku gaaray ilaa 170-Xildhibaan kuwaaso kala ahaay 142-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-Senitar oo Aqalka Sare ah. Muadanayaasha Labada Aqal ee BJFS ayaa Ansixiyey Habraaca Fadhiyadda Wadajirka ah ee Ansixinta Seddexda Hindisa Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono Gudiga ku meel gaarka ah ey labada Aqal u xil saareen soo diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka,Ururadda iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sharciga Dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo sidoo kale qorshe hawleedka Gudiga,waxaa ogolaatay 170-ka Xildhibaan mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS Md.Xil.Cali Xoosh ayaa mudanayaasha labada Aqal u akhriyey warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka, Hindise Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyaasadda ee JFS iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. Gudooomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Xil.Sacdiya oo kulanka maanta soo xirtay ayaa sheegtay in Hinise Sahrciyeedyadaan lagu wareejin doono Gudiga Ku meel Gaarka ah ee Labada Aqal ee BJFS si ey u soo diyaariyaan warbixinta akhrinta Labaad.

ISHA-BJFS.