LABA SANO KA DIB MAXAA U QABSOOMAY DFS?
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-XAMSE.
(MUQDISHO)-Maanta oo ah Arbaco kuna beegan 15/5/2024-ka waxaa dalka Soomaaliya looga dabaal degay laba sannad guuro oo kala ah Aasaasidii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed(SYL) 15/5/1943-dii iyo maalintii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kuna beegan Axad 15/5/2022-kii, labadaan munaasabadood ayaa maanta magaaladda Muqdisho si wanaagsan looga xusay in kastoo midda dambe aan la muujin sida midda hore oo kale. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa cod aqlabiyad leh ku doortay labada Aqal ee BJFS, waxaane halkaasi ku soo afjarantay doorashadii mudada badan soo jiitamaysay dalkane geli tagtay dagaal sokeeye ka dib markii Madaxweynihii hore Farmaajo uu isku dayey inuu is hortaago in dalka ey ka dhacdo Doorasho. Sodon maalmood ka dib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh kuna beegneed 15/6/2022-ka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu soo magacaabay Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre si uu isagane u soo dhiso Xukuumad tayo leh dalkane ka saari karta dhibaatada haysata. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Reysal Wasaare Xamse waxa uu horgeeyey Golaha Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si u Ansixiyaan isna uu u soo dhiso Xukuumadiisa. Taariikhdu markeey ahayd 2/8/2022-kii ayuu Reysal Wasaare Xamse Cabdi barre soo dhisay xukuumadiisa taaso ka kooban (75)-Wasiir,Wasiir Ku-Xigeen iyo Wasiirul dawlo,shan maalmood ka dib kuna beegneed 7/8/2022-kii ayaa Golaha Wasiiradda Cusub waxaa la horgeeyey Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uu codkiisa waane uu siiyey codkiisa. Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Xukuumadda FS Md.Xamse Cabdi Barre,barnaamijka Xukuumadda DanQaran ayaa waxa uu ka kooban yahay ilaa Lix Tiir oo Aas Aas u ah Xukuumadda DanQaran kalana ah: (1)-Tiirka Xoreynta iyo Ciribtirka Argagixisada Alshabaab. (2)-Tiirka Siyaasad loo dhan yahay oo ey halku dheg u tahay Soomali Heshiis ah. (3)-Tiirka Dhaqaalaha oo ey halku dheg u tahay Isku filnaansho dhaqaale. (4)-Tiirka cadaaladda iyo Garsoorka Madaxa Banaan. (5)-Tiirka Arrimaha Bulshadda oo ey halku dheg u tahay Gaarsiinta Mawaadiniinta adeeg Hufan. (6)-Tiirka Siyaasadda arrimaha dibadda oo ey halku dheg u tahay Soomaali dunidda la heshiis ah. Waxqabadka Xukuumadaan DanQaran lagu xasuusan doono ayaa waxaa ka mid ah dhammaystirka Cafinta Deynta, Dhammaystirka ka qaadida Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo in Soomaaliya ey ku biirtay Bulshada Geeska Afrika(EAC).
ISHA/SB-MEDIA.