SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Askerigii dilay ninkii African-American ahaay oo xabsiga laga sii daayey.

Bishii May ee sannadkaan 2020-ka ayey ahayd madkii askeri cadaan ah oo la yiraahdo DEREK uu ku dilay gobolka Minasoota ee dalka Maraykanka,arrinta dilkaas loo gaystay nink madawga ah ayaa waxaa ka dhashay mudaaharaadyo wato rabshaddo oo gaaray dhammaan goboladda dalka Maraykanka waxaan ka dhashay dhacdadaas halku dhega caanka ka noqday adduunka ee ah BLACK LIVE MATTER,halku dhegaan ayaa hadda ah ku qoran funaanadaha dadka ka soo horjeedo midab kala sooca meel kasta eey adduunka ka joogaan. Hadaba maanta oo ah arbaco kuna beegan 7/10/2020-ka ayaa waxaa xabsiga laga sii daayey askerigii gaystay dilka Georgy Floyd oo la yiraahdo DEREK CHAUVIN oo 42-jir ah,waxaane maxkamadda goobolka Minasoota la dhigay hal milyan oo doolar( $ 1000,000 ) damaanad ah inta eey ka dhammaanayso dacwadiisa,sidaas waxaa maanta qoray wargayska DAILY SABAH ee dalka Turkiga.

HALKAAN KA AKHRISO WARKA OO DHAN