SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAGAALADDA KIRKUK EE DALKA CIRAAQ OO LAGA HELAY QUBUURO WADAREED.

CIRAAQ(Baqdaad)- Waxaa dalka Ciraaq laga helay qubuuro wadareed dad ciraaqiyiin ah oo ey dileen uruka Daacish/ISIS waqooyiga dalkaas ee gobolka Kirkuk sida eey sheegeen saraakiisha amaanka ee dalkaas ciraaq Talaadada maanta ah 210/20/2020-ka. Qubuura wadareedka laga helay magaaladda Dawood Alalouk ayaa waxaa ku duugnaay dad gaaraayo 45-qofood oo ey dileen argagixisadda Daacish/ISIS xaalad la aqoon sida uu sheegay sarkaal ciraaqi ah oo aan awood u lahayn inuu la hadlo warbaahinta,sarkaalka ayaa intaas raciyey in baarayaasha(FORENSIC) ee baaraayo dhacdadaan ayaa awood u leh ineey qubuuradda ka soo saaran jirka dadkaas la laayey si eey u baaraan DNA-da taasoo laga ogaanaayo qofka uu yahay.

Daacish/ISIS ayaa si buuxda waxa eey gacanta ugu dhigeen goboladda MUUSAL,SALAAXADIIN IYO ANBAAR ee dalka Ciraaq waxayna argagixisadda Daacish/Isis xoog ku qabsadeen magaalooyinka Diyaala iyo Kirkuk snnadkii 2014-kii,lakinse ciidamadda reer Ciraaq ayaa aragagixisada Daacis/Isis dib ugala wareegay maamulka magaalooyinkaas sannado isku xiga.XIGASHO ANADOLU.

RIIX HALKAAN.