KUMUU AHAAY PROF. TUURYARE?
(SAWIRKA)-AUN-PROF. TUURYARE.
SOMALIA)-Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay dad fara badan oo wax weyn ka soo qabtay dawladnimada Soomaaliya kuwaaso baal dahab ah ka galay taariikhda dalka Soomaaliya,AUN-Prof.Maxamuud Macallin Cali “Tuuryare”waxa uu ka mid ahaay aqoonyahanadii baalka dahabka ah ka galay Taariikhda ummadda Soomaaliyed,Pro.Tuuryare ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Soomaaliya waxa uuna Prof.Tuuryare qeyb libaax ka soo qaatay dawlad dhiskii Soomaaliya gaar ahaan dhinaca sharciga. AUN-Prof.Tuuryare ayaa soo noqday la taliyihii MW-Siyaad Barre,Hormuud Kulliyadii sharciga ee Jaamicaddii Ummadda Soomaliyeed.
ISHA/BBC.