SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KULANKII GOLAHA SHACABKA OO KOORAM LA’AAN U BAAQDAY.

(MUQDISHO)-Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka kooban laba Aqal oo kala ah Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose,tiradda xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhan ilaa 329-Xildhibaan,waxa eyna u kala qeybsan yihiin 275-Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah iyo 54-Xildhibaan oo Aqalka sare ah. Labada Gole ayaa mid walba waxa uu leeyahay Xeer hoosaadkiisa uu isaga isku xukumo iskulana xisaabtamo. Shaqadda Baarlamaanka ayaa ka soo bilaabata Aqalka Hoose waxa eyna sii martaa Aqalka Sare ka hor inta eysan gaarin Madaxtooyada,si loo socodsiiyo hawlaha horyaalo Golaha Shacabka amaba guud ahaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhigiisii 5-aad waxaa lixdii bishaan furay Madaxwrynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan sheekh Maxamuud,waxa eyna Xildhibaanadda labada Gole oo fasax dheer ka soo laabtay u diyaargaroobeen sidii ey u dardargelin lahaayeen hawlaha horyaalo labadda Aqal ey ugu horeyso Hindisa Sharciyeedyo ey soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed lana doonaayo in laga doodo si loo sharciyeeyo. Maanta oo Arbaca ah kuna beegan 10/7/2024-ka ayaa loo balansanaay kulankii Golaha shacab ee BJFS kaaso Ajandihiisu ahaay Qeybinta Hindiso Sharciyeed ey soo gudbisay XFS kuna saabsan Maalgashiga,sida caadiga ah baarlamaanka ayaa todobaadkii fariista seddex maalmood oo kala ah “SABTI, ISNIIN iyo ARBACO”kulankii maanta ayaa waxaa soo xaadir/yimid xildhibaano dhan ilaa 108-Xildhibaan waxaane maqnaaday ilaa 167-xildhibaan,tiradda loo baahan yahay si loo bilaabo hawsha baarlamaanka ayaa ah 183-xildhibaan taaso u dhiganta marka seddex loo qeybiyo tirada Xildhibaanad laba ka mid ah. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe ayaa yiri”Saakay waxa aan is leeyahay khalad weyn ayaa dhacay marka waxaan u soo jeedinayaa Xildhibaanadda yimid ee isa soo xilqaamay waad mahadsan tihiin waajibkiinii dastuuriga ah ayaad gudateen,waane idinkaag mahad celinayaa”. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale u digay Xildhibaano uu sheegay iney joogaan Muqdisho hadane aan imaanin kulanka maanta,Gudoomiyaha ayaa arrintaa ku tilmaamay iney tahay mid Ceeb ku ah Xildhibaanadda maqnaaday sabab la’aan maadaam ey gudan waayeen waajibkii dastuuriga ahaay ee lagu lahaay.

ISHA/BS-MEDIA.