SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KULANKA BERRI GUBADLEY Vs WARTA NABADA YAA…

KOOXDA K/CAGTA EE DEGAANKA GUBADLEY.

(MUQDISHO)-Maalinta berri ah(Talaado-21/3/23)-ka ayaa lagu balansan yahay in la qabto kulanka kama dambaysta ah ee Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degaanada ku dhaw,tartankaan ayaa waxaa soo Agaasimay Gudoomiyaha Kubadda Cagta ee Goboka Banaadir Mudane Haaruun Cabdi Maxamed. Dhammaan kooxihii ka qeybgalay tartankaan ayaa muujiyey diyaargaraw aad u sareeyo waxaane taas lagu garan karaa kulanadii Semi-Final-ka waxaa lagu kala adkaaday Rigoorayaal,kooxaha isugu soo haray Semi Final-ka ayaa kala ahaay Gubadley Vs Y/shiid waxaane (4-1) ku adkaaday kooxdii ka socotay degaanka Gubadleey,kuankii xigay ayaa waxaa isku arkay Warta Nabada Vs Shangaani waxaane Rigoorayaal ku badiyey degmada Warta Nabada(5-3). Hadaba kulanka kama dambaysta ah ee dhici doono berri oo Talaada ah ayaa waxaa isaga horimaan doono kooxaha Gubadley Vs Warta Nabada waane kulan aad u adag oo aan si sahlan loogu kala adkaaneyn,waxaase xusid mudan in kooxdii ka socotay degmada Y/shiid ahayd koox leheed difaac adag intuu kulanka socdyne aan shabaqooda la taabsiin wax gool ah.

ISHA WARKA SB-MEDIA.