SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KULAN LOOGA HADLAAYEY MAQAAMKA CAASIMADDA…

(SAWIRKA)-KA HADALKA MAQAAMKA CAASIMADDA MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray kulan hawleedka Maqaamka Caasimadda ee hanaanka dib u eegista dastuurka kaaso shalay iyo maanta ka socday magaaladda Muqdisho. Kulan Hawleedka maqaamka Caasimadda Muqdisho ee hanaanka dib u eegista dastuurka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa looga dooday xulashooyinka miiska saaran ee maqaamka Caasimadda Muqdisho yeelaneyso ee kala ah: (1)-Gobol caasimad ah oo hoosyimaado Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. (2)-Caasimad Dawlad Goboleed ah. (3)-Caasimad ku dhextaalo dawlad Goboleed,waxa eyna ka qeybgalayaasha ey soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo qeyb ka noqda talooyinka bulshada laga ururinaayo. Wasrul Dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS,Marwo Muumino Sheekh Cumar,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Md.Sheekh Yuusuf Xuseen (Madaale) iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Md.Maxamed Axmed Diiriye(Yabooh) iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Md.Faysal Aden Xasan ayaa goobjoog ka ahaay munaasabadda xiritaanka kulan hawleedka Maqaamka Caasimadda Muqdisho ee hanaanka dib u eegista Dastuurka. Gudoomiyaha G/Banaadir isla markaasne ah duqa caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Madaale oo kalmado ka jeediyey xiritaanka kulanka hawleedka ayaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS ku bogaadiyey dadaalka uu ugu jiro iyo qabsoomidda kulan hawleedkaan diiradda lagu saaray hanaanka Maqaamka Caasimadda,wuxuuna ku adkeeyey bahidda shacabka caasimadda iyo G/banaadir ey u qabaan dhammaystirka dastuurka,maqaamka caaasimadd iyo metelaad siyaasi ah. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Md.Xasan Macallin ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran iyo Madaxda dalka ugu sareyso ey ka go’an tahay asteynta maaqaamka caasimadda Muqdisho ayuu yiri “Waxaa jiro ka go’onaansho siyaasadeed,waxaane xukuumadda iyo guud ahaan madaxda sare ee dalka ka go’an in Dastuurka la dhammaystiro,Dastuurkuna ma dhammaystirmaayo iyadoo maqaamka caasimadda Muqdisho iyo metelaadiisa aan meel la saarin,maadaam caasimadda maqaamkeeda iyo meesha la dhigi doono ey ka mid tahay arrimaha masiiriga ah ee la doonaayo in go’aan laga gaaro”. Kulan hawleedka ayaa qeyb ka ah kulamadda joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha dastuurka ey bulshada kala yeelaneyso cutubyadda Dastuurka ey dib u eegista ku socoto,waxaane jiri doono kulamo kale oo muhiim u ah geedi socodka dib u eegista Dastuurka.

ISHA/SNTV.