SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KORNEEL REER IRAN AH OO LA TOOGTAY.

SAWIRKA SARLAAKA LAGU TOOGTAY IRAAN.

(TEHRAN-IRAN)-Sarkaal sare oo ka tirsanaay ilaadda kacaanka dalka Iraan ayaa lagu dilay meel banaanka ka ah gurigiisa oo ku yaalo magaaladda caasimadda ah ee Tehran waxane dilka sarkaa fuliyey dad hubaysan aan la aqoon heybtooda watayne mooto laba lugooleey ah sida uu sheegay Tv-ga dawladda Iraan maanta oo Axad ah(22/5/22)-ka. Sarkaalkaan la toogtay maanta ayaa ahaay mid xubin ka ah la taliyeyaasha dhinaca milatreiga ee dalkaas Suuriya waxaane magaciisa lagu sheegay Col.Sayyad Khodaei, sarkaalkaan ayaa waxaa lagu dhuftay shan xabadood isagoo saaran gaarigiisa oo yiilay gurigiisa hortiisa waxaane qaaday isagoo dhaawac ah xaaskiisa gelisayne guriga halkaas ayuuna markii dambe ku geeriyooday, guriga sarlkaan sare kana tirsan ilaadda kacaan iraan ayaa ku yaal bartamaha caasimadda dalka Iraan ee Tehraan. Kooxda lagu tuhmaayo ineey geysatay dilka Col.Sayyad ayey dawladda Iraan ku sheegtay in la yiraahdo”MOJAHEDIN-E-ISLAM STREET, KHAZAL ALLEYWAY”.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.