SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KOOXDA BOKO XAARAAM OO WEERARTAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA JAAD.

(N’DJAMENA-CHAD)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Jaad ee Injameyna ayaa sheegayo in halkaasi uu ka dhacay weerar culus oo lagu qaaday xero ey leeyihiin ciidamadda,weerarkaan ayaa ah mid aad loogu hoobtay waxaane ku geeriyooday ilaa afartan(40) askeri oo ka tirsan Ciidamadda dalka Jaad. Madaxaweynaha dalka Jaad Mahamat Idiris Deby ayaa bilaabay hawlgal lagu baadi goobaayo kooxihii weerarka soo qaaday ka dib markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamadda ee LAC. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda dalka Jaad ayaa lagu xusay in weerarku uu geystay khasaaro badan kaaso dhaliyey iney dhintaan askar gaareyso ilaa 40-tan askeri kuwaaso ku sugnaay xerada la weeraray ee LAC. Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Axada ee shalay ahayd,waxaane lala beegsaday saldhig ey ciidamda difaaca iyo kuwa amaanka ku leeyihiin degaanka Barkaram ee Lac una dhaw Ngouboua oo ah magaalo ku taalo 480-kiilomitir Waqooyi-Galbeed meel kaga beegan caasimadda N’Djamena. Madaxweyne Mahamat Idris Deby Itno ayaa shalay booqday goobta uu qaruxu ka dhacay wuxuuna tacsi u diray dadkii ku geeriyooday. Sida laga soo xigtay dadka degan degaanka la weeraray ayaa sheegay in weerarka ey fuliyey dagaalyahano ka tirsan Kooxda Boko Xaaraam ee ka dagaalanta Galbeedka Qaaradda Afrika,kooxda ayaa ka soo gudubtay xuduudka u dhexeeyo dalalka Jaad iyo Nayjeeriya. “Xubnihii ka tirsanaay Boko Xaaraam ayaa la wareegay gacan ku haynta Xeradda Ciidama ee la weeraray,waxayna qabsadeen hubkii yiilay xeradda,waxa eyna gubeen gaadiidkii ey ku rakibnaayeen hubka dagaalka ee culus,weyna isaga tageen xeradda”sidaas waxaa warbaahinta u sheegay qof ka mid ah dadka degaanka balse diiday in la sheego magaciisa.

SB-MEDIA.