SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KOOXDA ALSHABAAB OO KA BEEN SHEEGTAY…

DUGSIGA TABABARKA DANAB.

(BILADOOGLE)-Ma aha mid lala yaabaayo in kooxda Khawaarijta ka been sheegaan Jabkooda ku gaaray goobaha dagaalka ee Galmudug iyo Hirshabeele,kooxdu maka xishoosto Beenta aan lahayn raadka laakinse waa waxay caan ku yihiin oo waxa ey horay been uga soo sheegeen Diinta Nabi Muxamad(SCW) ayagoo dhallinyarad ugu been sheego ineey janada gelayaan markeey is qarxiyaan,hadaba Wargayska Caanka ah ee New York Times qorayaal ka socday ayaa waxa ey Dugsiga Tababarka Kumaandooska ee Biladoogle kaga qeybgaleen xaflad ey ku qalinjebinaayeen dufcad dhan 346-askeri,wariyuhu waxa uu qoralkiisa ku xusay tirada askertii Mileteriga ahayd ee ku dhimatay weerarki bishii Janaayo-2023-ka ka dhacay degmada Galcad balse kooxda Khawaarijta oo cadaysatay marin habaabinta dhabta ah ayaa shaacisay in halkaas ey kooxdu ku dileen 100-askeri oo Danab ah,horay uma aysan dhicin in askar Danab ah oo intaas dhan halmeel la isugu keeno waayo tirada Danab ma saamaxayso ineey hal meel isugu yimaadaan. Weerar kasta oo ey qaadayaan Danab ma aha mid iska qaad ah ee waa mid qorsheysan lagana soo baaraan degay oo waxaa dusha ka ilaaliyo diyaradaha Drones-ka.

ISHA WARKA NEW YORK TIMES.

HALKAAN KA SII AKHRI.