KIUFSI IYO DIL KA DHACAY GAALKACYO.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA GAALKACYO.
(GALKACYO)-Wararka ka imaanayo magaala Madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa sheegayo in halkaasi wiil yar oo 11-jir ah loogu gaystay fal isugu jiro Kufsi iyo Dil sida lagu cadeyey qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Isbitaalka guud ee magaaladda Gaalkacyo,wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/naasir Yuusuf Jihad,meydka wiilkan yar ayaa la geeyey Isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo si halkaasi loogu baaro,Falkaan ayaa ah midkii ugu horeeyey ee laga diiwaan geliyey degmada Gaalkacyo,horay waxaa Gaalkacyo uga dhacay falal argagax leh sida dilkii loo gaystay Caa’ish Ilyaas oo la isugu daray Kufsi iyo Dil. Maamulka Puntland ayaa hadda waxaa ka socdo olole doorasho iyo khilaaf xoogan oo ka taagan arrinkaasi mana muuqato dib heshiin ah in xal waara laga gaaro arrinta doorashada Puntland.
ASHA/HIIRAAN.