KITAABKA QURAAN KARIIMKA AH OO LAGU GUBAY…
MASCUUD KAMAALI.
(LONDON)-Nin caan ah kuna takhasusay cilmiga Barashada Bulshada ayaa cambaareyey gubida kitaabka Quraanka Kariimka ah ee ka dhacday dalka Sweden iyo go’aanka xukuumadda Sweden ugu ogolaatay in dadka qaar sameyaan waxa ey doonaan ayagoo gabaad ka dhiganaayo xuriyatal qoolka”Freedom Speech”. Mascuud Kamaali oo horay u soo noqday baare reer Sweden ah ayaa Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Turkiga ee Anadolu u sheegay in Gubidda Kitaabka Quraanka Kariimka ah ee lagu hor gubay Safaaradda dalka Turkiga ee magaaladda Stockholm ineey tahay “Siyaasad iyo mid xambaarsan dhambaal midab kala sooc ah”kaaso looga dan leeyahay in lagu liido shucuubta Muslimiinta ah ee ku nool Qaaradda Yurub.
ISHA WARKA AA.