SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KHILAAFKII QOORQOOR IYO CALI CIID OO XAL LAGA GAARAY.

(SAWIRKA)-QOORQOOR,CALI CIID IYO CABDI WAAYEEL.

(DH/MAREEB)-Todobaadyo ka hor ayey ahayd markii ey banaanka timid inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Axmed QoorQoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid,khilaafka ayaa banaanka yimid ka dib markii uu Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid uu shaqo joojin ku sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel isaga oo ku edeeyey inuu xagal daacinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee hadda ka socdo Galmudug,arrinta shaqo joojinta ah ayaa waxaa ka biya diiday Madaxweyne QoorQoor sheegayne ineysan shaqciga waafaqsaneyn shaqo joojinta lagu sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel. Si kastba ha ahatee,arrintaan ayaa u muuqata inuu soo farageliyey MW-Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan Dh/mareeb caasimadda maamulka Galmudug.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.