SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KGS IYO SHIRKAD LAGA LEEYAYAH KUWEYT OO KALA…

(SAWIRKA)-LAFTAGAREEN IYO AL-DAWSARI.

SOMALIA)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiis weyn uu dhex maray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxa Shirkadda Arab Digital Holding ee laga leeyahay dalka Kuwait. Heshiiska ayaa la sheegay inuu shirkadda u ogolaanayo maamulka Dekedda degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose muddo 25 sano ah. Sida lagu sheegay warbixino lagu daabacay goobo kala duwan, heshiiskan ayaa ku kacaya $500 oo Milyan oo dollar, waxaana la doonayaa in lagu casriyeeyo laguna balaariyo dekedda oo leh kaabayaal casri ah. Shirkadda Kuwaiti waxay la kaashan doontaa MYD, oo ah shirkad Masaarida ah, si ey u fuliso Horumarinta dekedda, iyada oo diiradda saareysa tayeynta tas-hiilaadka badda iyo aagagga Ganacsiga si loo soo jiito dhaq-dhaqaaq dhaqaale oo la taaban karo. Fahad Nawaaf Al Doosari, oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Shirkadda Arab Digital Holding, ayaa sheegay in heshiiska uu u ogolaanaya shirkadda in ey qabato mashaariic badan oo ey ka mid yihiin sahaminta kheyraadka iyo dhismaha dekedda. Waxa uu carabka ku adkeeyay in wajiga fulinta uu bilaaban doono afar sano gudahood, inta laga sugayo Ansixinta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Al Doosari oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in taageerada dhaqaale ee mashruucan ey ka imaan doonaan shirkado laga leeyahay Khaliijka iyo Bangiyada Carabta, kuwaasi oo bixin doona dhaqaalaha loogu baahan yahay wajiga koowaad. Waxa uu meesha ka saaray sheegashada ah in heshiiska ey ku jiraan qodobo xadidaya shaqada shirkadda. Horumarinta Dekedda Baraawe ayaa la filayaa inay faa’iidooyin dhaqaale u yeelan doonto wadamo badan oo gobolka ah, sida Itoobiya, Koonfurta Suudaan, Waqooyi Bari Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Wadamadani waxay u isticmaali karaan dekada la cusboonaysiiyay Ganacsiga iyo saadka, taasoo kor u qaadaysa isku xirka gobolka. Mashruucu waxa uu dabooli doonaa dhul dhan 200 oo kiilo mitir oo laba jibaaran, iyada oo sahamin horudhac ah iyo shaqo qiimayn lagu wado in la bilaabo bilaha soo socda. Hadafka koowaad waa in la dhamaystiro Horumarada la Qorsheeyay gudaha wakhtiga lagu heshiiyey iyo in la hubiyo soo celinta dhaqaale ee mustaqbalka fog. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan heshiiskaasi.

ISHA-MM