SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

(KENYA):SOOMAALIYA IYO LIIBIYA OO LAGA REEBAY AFRIKADA KALE.

(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA KENYA.

(NAIROBI-KE)-Wararlaga helaayo caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in Golaha Wasiiradda Xukuumadda Kenya ey yeesheen Shir maalintii shalay ahayd, waxaane shir Gudoominaayey Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto,shirka ayaa ka dhacay State Lodge ee Kakamega 21/1/2025-ka,waane shirkii ugu horeeyey ey yeeshaan Golaha Wasiiradda Kenya sannadkan bilawga ah. Shirka shalay dhacay ayaa waxaa lagu meel mariyey Go’aano isbedel leh oo xiriir ah kuwaaso looga gol leeyahay Horumarinta,Is dhexgalka iyo Hufnaanta maamulka,qodobadaas oo aad u fara badan gaarayeyne ilaa toban Qodob ayaan kasoo qaadanay kuwa khuseeya dalka Soomaaliya ee kala ah”Q.1-aad, 7-aad iyo 9-aad”. Qodobka 1-aad ayaa la xiriira Arrimaha dal ku galka(VISA),Kenya waxa ey ka dhaafi doontaa Shuruudaha Ogolaanshaha Socdaalka ee Elektarooniga ah(ETA) dhammaan Wadamadda Qaaradda Afrika marka laga reebo dalalka Soomaaliya iyo Liibiya,sababo la xiriiro dhinaca Amniga dalalkaas awgeed. Q.7-aad,waxa uu ka hadlaa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya,waxa uuna leeyahay Siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka Kenya oo dib loo eegay ayaa la ansixiyey si loo eego xoojinta hanaanka diblomaasiyadeed iyo amniga qaranka. Siyaasadda la cusbooneysiiyey waxa ey diiradda saareysaa is dhexgalka Gobolka,iskaashiga caalamiga ah iyo in Kenya laga dhigo hormuudka diblomaasiyadda caalamiga ah. Q.9-aad,waxa uu ka hadlaa Urur Goboleedka IGAD, Golaha Wasiiradda Kenya ayaa ansixiyey laba hab maamuus oo IGAD kuna saabsan isbedelka,hubinta in si badaado leh oo nidaamsan isu socodka xoolaha iyo xoolaha isaga gudbaan. Talaabadaan waxa ey taageertaa bulshooyinka xoolo dhaqatada ah iyadoo kor u qaadeysa iskaashiga Gobolka iyo maareynta kheyraadka.

ISHA-WAKAALADO.